Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u dirtay 373 askari oo qeyb ka ah kaalmadeeda howlgalka kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Cutubkan cusub ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidamada Jabuuti ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud
Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku adkaysatay joogitaanka ciidamada qaranka ee gobolka Gedo, iyada oo ku eedeysay shaqsiyaad siyaasadeed oo la safan hoggaanka Jubbaland in ay hurinayaan xasillooni darro iyo iska horimaad ka dhan ah amniga qaran.





