Tehran (Dawan)- Telefiishanka Iran ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi in ay shil ku gashay bariga Azerbaijan, iyada oo ay socoto howsha lagu soo badbaadinayo madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta la socotay.
Sida ay warbaahinta kala duwan ee Iran iyo kuwa caalamiga ahba sheegeen, shilka waxaa sababay xaaladda jawiga oo aad u xun.
Wakaalada wararka ee Reuters ay soo xiganeysa mid ka mid ah mas'uuliyiinta Iran ayaa sheegatay in nolosha Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ay halis ku jirto ka dib shilka diyaaradda.
Ilaa iyo hadda lama oga nolol iyo geeri waxa ay ku suganyihiin madaxweynaha Iran iyo wafdiga la socday, waxaana idiin soo koobeynaa wax ay ay warbaahinta caalamku ka qortay ilaa iyo hadda.
Mehr News Agency: 46 kooxood ayaa baadigoob ugu jira helikobtarka madaxweynaha, 4 ka mid ah ayaa ku dhawaaday goobta shilku ka dhacay.
Mehr News Agency: Diyaaradda-ka Helicopter ah oo uu la socday Madaxweynaha Iran waxaa sababay in ay dhacdo cimilada oo aad u xun, lamana xaqiijin karo in rakaabka ay dhibaato soo gaartay iyo in kale.
Nour News: Wax kasta waa suurta gal kadib shilka diyaaradda uu saaranaa madaxweynaha Iran ee ka dhacay waqooyi-bari Iran
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka: Waxaan si dhow ula soconaa warbixinnada ku saabsan diyaaradda uu saarnaa madaxweynaha Iran ee dhibaatada la kulantay.
Madaxweynaha Azerbaijan: Waxaan diyaar lanahay wax kasta oo taageera ah.





