Muqdisho (Dawan)- Agaasimayaasha Warbaahinta madaxa bannaan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad oo loo xiray galabnimadii Isniinta.
Agaasimayaasha Warbaahinta madaxa bannaan ayaa tilmaamay in xarigga Cali-nuur uu ahaa mid ka aan ku dhisnayn hannaan sax loona soo marin waddo sharci ah, waxeyna ku baaqeen in si degdeg ah loo siiyo xorriyadiisa.
Agaasimaha Universal TV, Cabdullaahi Xirsi: In jidka gaari Cabdi-bile ah looga qaato sida nin baxsanaya, waxay ihaano ku tahay saxaafadda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Cali-nuur waa inuu helo caddaalad sax ah, waa inuu helo xorriyaddiisa.
Agaasimaha Somali Cable, Axmed Cali Nuur: Sida ay dowladdu u dhaqantahay iyada oo la marayo 2024, wax laga filayay ma ahan. Mawaadinka waxa uu xaq u leeyahay inaan la sawiri karin iyada oon cadeyn lagu haynin. Cali-nuur Salaad waa inuu helaa caddaalad, waa qof la dulmiyay. Cali-nuur oo la dulmiyayna waxay la mid tahay, anaga oo nala dulmiyay.



