Jig-jiga (Dawan)- Shirwaynaha Xisbiga Barwaaqo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo gabo gabeeyey magaalada Jig-jiga, iyada oo lagu gorfeeyay waxqabadka labadii sano iyo barkii lasoo dhaafay iyo Waxqabadka komishinka anshaxa iyo dabagalka xisbiga.
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida. Cabduqaadir Rashiid ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, kaabayaasha aasaasiga ah, amniga iyo dimoqraadiyadda.
Warbixin laga soo saaray shirka Xisbiga Barwaaqo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa laga soo sheegay in waayadii ugu dambeysay la xoojiyey sugidda amniga xuduudaha iyo xasiloonida gudaha si loo xaqiijiyo badqabka bulshada deegaanka iyo dalkaba.
Dhanka horumarka bulshada waxaa warbixinta lagu sheegay in la hirgaliyay barnaamijyada dhaqo oo dheefso, dalag iyo daryeel, raad-reebka cagaaran, waxsoosaarka qamadiga, bariiska iyo dalagyada kala duwan si loo xoojiyo damaanadda cuntada ee bulshada deegaanka.
Dhanka dhallinyarada waxaa fursado shaqo loo abuuray dhalinyarada deegaanka iyo bulshada danyarta ah si loo dhimo shaqo la'aanta iyo saboolnimada, sida lagu sheegay warbixinta.




