Muqdisho (Dawan)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” oo wareysi gaar ah siiyaay TV-ga Dawan ayaa sharraxaad ka bixiyay arrimaha ay ku dhisantahay siyaasadda dibadda ee dalka.
Cali Balcad ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay miisaaniyadda wasaradda arrimaha dibadda, xiriirka Soomaaliya iyo dalalka caalamaka, saameynta aqoonsiga maamulka SSC ee Somaliland iyo xalka qaddiyadda Falastiin.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dooneyso in Soomaaliya laga ilaaliyo in ay yeelato cadaw dhanka dibadda ah iyo in khilaaf soo kala dhax galo dalalka caalamka.
"Anaga oo ka duuleyna hiigsigii Madaxweyene Xasan Sheekh ee ahaa " Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah" waxaan ku dadaalnay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan adduunka ula macaamila si wada jir ah, inaga oo yareyneyna khilaafaadka iyo cadaawad dibadda nooga timaada" ayuu yiri Cali Balcad.
Sidee la isku waafajin karaa tirada safaaradaha iyo dhaqaalaha dalka?
Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay 45 safaaradood iyo laba ergo, oo caalamka u jooga, iyada oo ay waajib tahay in dowladdu daboosho baahiyaha dhammaan shaqaalaha ka howlgala safaaradahaas.
Wasiirka ayaa yiri " Waxaan ku dadaalna sidi la isku waafajin lahaa miisaaniyadda ay dowladu ugu tala gashay wasaaradda iyo shaqaalaha aan geynyeno dibadda, sidaas ay tahay diblomaasiyiinta Soomaaliya waxa ay ku shaqeeyaan nolol aad u adag".
Wasiiru Dowlaha ayaa xusay in ay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed usoo dhabar adeegeen dhibaatada jirta, iyaga oo qaarkood ay ku shaqeynayeen si isxilqaan ah, wuxuna rajo ka muujiyay in lga bixi doono caqabadaha jira.
Waa imisa miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda?
Wasiir Balcad ayaa sheegay in miisaniyadda Wasaradda Arrimaha dibadda ay kor u dhaafeyso 6 milyan oo dollaar ah " miisaaniyadda wasaaradda waxa loo qeybiya laba nuuc, tan gudaha oo gaareysa 2 milyan oo xooga iyo tan dibadda, 4 milyan iyo xooga ayaan ku qiyaasayaa".
Somaliland iyo SSC
Cali Bacad waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay oggolaaatay in dowladaha caalamku ka furan karaan Qunsuliyad magaalada Hargeysa, balse aysan jirin dowlad usoo magacaawday Somaliland.
Dhanka kale, waxa uu meesha ka saaray in aqoonsiga maamulka SSC wax saameyn ah ku yeesho arrinta Somaliland, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay waajibaadkii saarnaa soona dhaweysay go'aanka waxgaradka reer Sool.
Maxaa kala duway khidamada Baasaboorka ee safaaradaha?
Wasiir Balcad ayaa qiray in ay jirto kala duwanaansho u dhaxeyso lacagta laga qaado muwaadiniinta ku nool dibadda marka ay dalbanayaan Baasaboorka, isaga oo ku micneeyay nolosha iyo duruufta dalka ay safaaraddu ku taalo.
"Waa run in wadamada qaarkood Baasaboorada lacag badan lagu bixiyo, sababtoo ah waxa ay tahay qarashayda iyo duruufyada ka jira wadamadaas ayaa qaalisan, tusaale ahaan qofka ka shaqeynaya Jarmarka iyo qofka ka shaqeynaya Tanzania isku nolol ma ahan, marka in Baasaboorku kala qaalisanyahay waa wax iska caadi ah "
Balcad ayaa inikray in ay jiraan wax masuqmaasuq ah oo la xiriira bixinta Baasaboorka , isaga oo xusay in shaqada Baasaboorka ay iska leedahay Hay'adda Socdaalka balse ay ku shaqeyso safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka kala duwan.
Dowladda iyo Al-shabaab: Dagaal mise wada hadal?
Wasiir Balcad waxa uu meesha ka saaray in ay jirto tilalabo ay ku wada hadlayaan hadda dowladda iyo kooxda Alshabaab, isaga oo sheegay in uu socdo dagaal looga guuleystay goobo badan welina sii socon doono, waxa uuna yiri " Waan-waan aan hore ula socday ma jirin, hadda mid socotana ma jirto"Wada hadalka dhax mari kara, dowladda iyo Al-shababa ayuu ku micneeyay in ay isa soo dhiibaan kadibna loo sameeyo dhaqancelin, si ay dadkooda ugu dhax noolaadaan qaab nabad ah.
Maxay dowladdu ugu magacaabi la'dahay safiiro dalalka Imaaraadka iyo Qatar?
Wasiirka ayaa su'aashaan uga jawaabay in ay jiraan dalal muhiim ah oo aysan Soomaaliya hadda u joogin safiiro balse ay wadaan howsha iyo adeegayda safaaradaha howlwadeeno kale, waxa uuna caddeeyay in Soomaaliya ay dhawaan magacawaday safiirka u fadhin doona dalka Qatar.



