Galgaduud (Dawan)- Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan oo ka tirsanaa howl wadeenada Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Wariyaha dhintay oo sidoo kale maamule ka ahaa xarunta agoonta ee magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ilaalada xarunta taas oo keentay inuu soo gaaro dhaawac culus kadibna uu u geeriyoday.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa bartiisa kusoo qoray; "Marxuumka, waxa aan saaxiib iyo shaqo wadaag ahayn muddo gaaraysa ama ka badan 20 Sano. Wuxuu ahaa nin ahlu Khayr ah oo aad uga shaqeeya wanaaagga"



