Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig ayaa dib u helay xorriyaddiisa kadib markii uu xirnaa 43 maalin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay TV-ga MM-TV.
"Saraakiisha Dambi-baadhista Booliska Somaliland oo sameeyay baadhitaan muddo badan socday ayaa ka gun-gaadhay Kiiska Wariye Maxamed Cabdi Ilig kuna gabogabeeyay in aanuu wax dambi ah ka galin dalka iyo dadka" ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay TV-ga
Qoraalka ayaa intaas raaciyay in baadhista CID-da ay muujisay in aanay sal iyo raad lahayn eedaymihii uu agaasimaha Sirdoonku kusoo oogay Maxamed Cabdi Ilig, sidaas darteedna Maxkamadda iyo xeer ilaalinta Gobolka Maroodijeex ay go’aamiyeen in Maxamed Ilig Xorriyaddiisa loo celiyo maadaama lagu waayay wax dambi ah.
Sida ku cad qoraaalka kasoo baxay TV-ga, Gudoomiyaha MM-TV ayaa la kulmay tacaddi iyo Awood sheegasho iyada oo hawl-wadeenada Hay’adda Sirdoonka Somaliland ay burburiyeen hantidii TV-ga sidoo kalena ay dhaawac u gaysteen Wariye Maxamed Cabdi Ilig.
"Danbi waa la igu waayay, waxaanan ku xidhnaa danbi la'aan." ayuu yiri, Maxamed Ilig mar uu hadal kooban siiynayay MMTV kadib soo deysmadiisa






