Jigjiga (Dawan)- Itoobiya iyo shirkadda AMEA Power ee Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyay in degaanka Ayshaca ee Dowlad deegaanka Soomaaliada laga hirgeliyo warshad tamarta ka dhalisa dabaysha.
Mashruucan ayaa noqon doona shirkadda ugu wayn geeska Afrika ee dhalisa tamarta la cusbooneyson karo, iyada oo ay ku bixi doonto lacag maaligelin ah oo lagu qiyaasay in ka badan 600 milyan oo doolarka Maraykanka ah, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasaha afka dowladda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkada AMEA Power lagu wareejiyo dhul laga dhalinayo korontada dabaysha oo laga hirgalinayo Degmada Ayshaca ee hoostagta gobolka Sitti ee Dowlad Deegaankaa Soomaalida, waxaana ka faa'iideysan doona dad ka badan afar malyan oo qoys.
"Mashruuucani oo ay maalgalinayso Dowlada isutaga imaaraadka carabta ayaa waxa ku baxaya aduun lacageed oo dhan $620 Milyan iyadoo lafilayo inuu soo saaro quwad koronto oo dhan 300 MW taasoo adeeg siin doonta qiyaastii 4 Milyan oo qoys" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Xuseen Xaashi Qaasim oo ah wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS ayaa tilmaamay in Deegaanku uu qani ku yahay kheyraadka dabiiciga ah oo u baahan in laga faa'iidaysto si deegaanka, dalka iyo geeskuba u gaaraan horumar iyo barwaaqo.





