Jowhar(Dawan) - Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku shaacisay in la joojiyay natiijooyinkii imtixaanka fasalka 12-aad ee ardaydii imtixaanka ku galay degmooyinka Luuq (gobolka Gedo) iyo Kismaayo (Jubbaland), kaddib markii ay dhacdooyin culus ka dhaceen goobahaaas intii lagu gudajiray imtixaankii qaran ee 2024/2025.
Wasaaraddu waxay arrintaan shaacisay xilligii lagu dhawaaqayay natiijooyinka imtixaanka qaran ee Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Jowhar maalintii Axadda.
Sida ay sheegtay Wasaaraddu, natiijooyinkii laga qaaday xarunta imtixaanka ee degmada Luuq ayaa la baabi’iyay kaddib markii ay jireen khaladaad maamul oo baahsan, kuwaas oo sabab u noqday in shaqada laga joojiyo lix kormeere oo imtixaan. Waxaa sidoo kale la bilaabay baaritaan ciqaabeed oo ka dhan ah xubnaha kooxda kormeerka ee Luuq. Ardayda saameynta ey ku yeelatay arrintan ayaa loo oggolaan doonaa inay dib u galaan imtixaanka bisha Diseembar 2025, iyadoo kharashaadka imtixaanka ay galayaan laga qaadayo kooxda kormeerka.
Dhanka Kismaayo, rabshado dhacay intii lagu jiray imtixaanka ayaa sababay in la hakiyo natiijooyinka ardaydii ku lugta lahayd fowdada qeeb ka mid ah xarumihii Kismaayo. Ardaydii ka qeyb qaadatay rabshadahaas ayaa laga saaray natiijooyinkii labadii maaddo ee ay galeen maalinta ey dhacdadu dhacday. Natiijooyinkooda dib ayaa loo eegi doonaa marka ay bixiyaan magdhawga khasaaraha ay sababeen ayay wasaaradu sheegtay.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xaqiijisay qodobbadan soo socda:






