Soomaaliya, September 21 2025 – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay Sabtidii howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.
Qoraal ay wasaaraddu maanta soo saartay oo ay baraheeda ku baahisay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, isla markaana “qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in ugu yaraan afar dagaallamayaal la dilay.”





