Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, oo ilaa saddex xubnood gaareysa.
Isku shandhateentaan ayaa lagu sameeyey wasaaradda Gashaandhugga, wasaradda arrimaha Dibadda iyo raysulwasaare ku xigeenka labaad ee dalka.
Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa xilkan cusub la wareegay kaddib muddo sannad ah oo uu horey u hayay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo ay uga sii horreysay wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee isla xukuumaddaan.





