Muqdisho (Dawan)- Magacaabis kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in Generaal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaaby Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Magaca Wasaaradda ayaa horay u ahaan jiray Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana loo magacaabi jiray oo kaliya dumar. Magac beddelaaddan lagu sameeyay wasaaradda waxay suurta gelineysa in ragga iyo dumarku u sinnaadaan hoggaaminteeda hadda kadib.



