Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa si adag u beeniyay eedeymo uu jeediyay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo sheegay in ku dhowaad nus bilyan doolar oo deeq lacageed ah dib loogu celiyay deeq-bixiyeyaasha sababo la xiriira mashaariic fashilmay.
Wasiirka oo Khamiistii ka hadlay munaasabad ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku tilmaamay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaraddiisu ay si buuxda masuul uga tahay dhaqaalaha dibadda iyo mashaariicda horumarineed, isaga oo sheegay in hadallada Khayre ay yihiin “kuwa aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.”





