Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Khadiijo Maxamed Al Makhzuumi Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka. Magacaabistan ayaa ku soo beegantay kadib markii xilkaas muddo 148 maalmood ah uu hayay Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo muran badan dhalisay tan iyo markii la bedelay magacii hore ee wasaaradda.
Wasaaradda oo hore u ahaan jirtay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa u muuqata mid dib ugu soo laabatay haweenka. Bishii July ee sanadkan ayaa Wasiir Bashiir Goobe loo magacaabay xilka, taas oo keentay in ragga iyo dumarka loo furo hoggaanka wasaaradda. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta isku shaandheyntan, iyadoo doodo badan oo hore looga qabay magacaabistii Wasiir Bashiir Goobe loo arko inay qayb ka tahay isbeddelka maanta dhacay.
Magacaabis Kale oo La Sameeyay
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay wasaarado kale:





