Muqdisho (Dawan)-Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ardayda dhameysata dugsiga sare la maarsiin doon hal sano oo asaasi ah ka hor inta aysan billaabin kulliyadda lagaba billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024.
“Wasaaradda Waxbarashada waxa ay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay wasaaradda.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah, ay ka mid yihiin Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, Daraasaadka Islaamka, Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed.



