Shabeellaha Hoose, 18 October 2025 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-shabaab godod ay qodayeen in ka badan 3 bilood ay iskaga carareen iyaga oo aan wax dagaal galin.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, oo maanta tagay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku dhiiran waayeen in ay la dagaal dowladda marki ay weerarka degmada Awdhiigle ay ku soo qaadeen.
Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay muddo ka badan 3 bilood godod ay qodayeen ay ka carareen kadib marka Ciidamada Xoogga Dalka ay soo weerareen. "Iyagoo godadkan haysto waxaan aad aragtaan qoday, oo waxan aad aragtaan waqti ku bixiyay, in ka badan 3 bilood ay waqti ku bixyeen ayey halkan ka carareen, iyagoo nagu sugi waayay." Ayuu yiri Odawaa Yuusuf Raage







