Laasacaanood(Dawan) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah u furay shirweynaha lagu dhameystirayo Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo, kaasoo ka furmay magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool.
Shirkaaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda sare ee maamulka SSC-Khaatumo, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka, isimmo dhaqameed, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, iyo ergooyin ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Wasiir Xoosh oo khudbad furitaan ah ka jeediyay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo ka dhisan SSC, isagoo yiri:
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u aaminsan tahay in nabadda waarta iyo horumarka gobollada SSC lagu heli karo oo keliya marka la helo dowlad-goboleed dhameystiran oo si rasmi ah uga mid noqda nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”



