BELEDWEYNE (Dawan ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Cabdulkadir Xuseen Cumar ayaa ammaanay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) doorkiisa ku aaddan xasilinta iyo nabadeynta dalka, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay AUSSOM.
Cumar, oo Soomaaliya ku yimid booqasho, ayaa 29-kii Agoosto 2025 kulan la qaatay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM, oo xaruntoodu tahay Beledweyne Waxaana ku wehliyey Mukhtaar Cusmaan Kaariye, ku-xigeenka Madaxa AUSSOM, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan AUSSOM iyo maamulka Hirshabelle.
“Maanta waxaan booqanay ciidamada AUSSOM, oo ay ku jiraan ciidanka Jabuuti, si aan indhaheena ugu aragno shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan Soomaaliya iyo sida ay bulshada u sugaan,” ayuu yiri Wasiir Cumar. Wuxuu mar kale xaqiijiyay taageerada Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga bulshada, dowlad-goboleedka iyo ciidamada AUSSOM.
Intii lagu guda jiray booqashada, wasiirka iyo wafdigiisa waxay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Gure iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM ee Qeybta Afraad Colonel Cabdiraxmaan Rooble Xaareed, oo warbixin ka siiyay xaaladda amniga ee Hiiraan. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo arrimaha bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay AUSSOM Danjire Kaariye ayaa ku ammaanay doorka Jabuuti ku leedahay dadaallada xasilinta Soomaaliya. “Jabuuti waxay ku biirinaysaa nabadda iyo amniga Soomaaliya iyadoo ciidamo ka tirsan ku taageeraysa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Dalka Jabuuti wuxuu leeyahay xiriir taariikhi ah iyo dhaqan oo uu la wadaago Soomaaliya, waana sababta wasiirku halkaan ugu yimid,” ayuu yiri.





