Dooxa (Dawan)- Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Cali ayaa shuruud ku xiray haddii ay dhacdo in Dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ay wada yeelanayaan wada xaajood lagu soo afjarao dagaalka labada dhinac ee qaatay muddada dheer.
Wasiirka oo Muxaadaro ka jeediyay Xarunta Cilmi-baarista ee isku dhacyada iyo waxqabadka bini'aadantinimo ee dalka Qatar ayaa yiri, " Haddii Al-Shabaab ay aqbasho in Dowladnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan wada hadal, markaas waan wada hadli karnaa, waxaana rabnaa inaan ka aragno dhankooda niyad wanaag.”
Wasiirka Caddaaladda ayaa dhanka kale ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland horraantii sannadka 2024, isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalladii dhax maray labada Dowladood iyo natiijooyinkii ka dhashay oo aysan mahadin labada dhinac
Xasan Sheekh Cali ayaa yiri, " Dagaalkii qaboobaa iyo isbaheysiyadii ay kala galeen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhashay colaado keenay in ay Dowladdii Soomaaliya burburto, Itoobiyana ay gasho dhibaatooyin iyo go’doon siyaasadeed".
Wasiirku waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay xilligaan tillaabada ay qaaday Itoobiya ee ah in ay bad ku hesho heshiis ay la gasho Somaliland, isaga oo dib u milicsaday dagaalkii 2006 kadib markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Muqdisho iyo dagaalkii khasaaraha badnaa ee dhacay.






