Muqdisho (Dawan)- GOBANNIMADA QARANKA SOOMAALIYEED, waxaa qoray Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.
Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah.
Ma jiro qof xaq u leh in ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed.
Waxaa si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.
Taariikhda difaaca qaranka Soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya.
Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo.
Cabdulqaadir Sakhaawadiin Sh Uweys oo ahaa wiil Tunni ah, Digil ah reer koonfurgalbeed ah ayaa ahaa aasaasihi SYL iyo hoggaamiyihi 13ki halgamaa ee gobannima doonka casriga ah hoggaamiyay.






