Muqdisho (Dawan)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, ayaa sheegay in go’aanka dowladdu ku xireyso aaladaha baraha bulshada ee TikTok, 1Xbet iyo Telegram uu yahay mid looga gol leeyahay in la ilaaliyo anshaxa iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka oo waraysi siiyey TV-ga Dawan, ayaa xusay in istcmaalka barahaan bulshada ay saameyn ku yeesheen dhaqanka iyo anshaxa dhallinyarada taas oo keentay in wasaaraddu go’aan ka qaadato isticmaalkooda.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in baraha bulshada ee la mamnuucay loo adeegsado in lagu faafiyo dayaacado, warar been abuur ah iyo waxyaabo anshax xumo ah kuwaas oo dhammaan khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed.
“Go'aanka ay dowladduu qaadatay, waxaa lagu salleeyay bad qabka umadda Soomaaliyeed ee dhinacyada akhlaaqda, amniga iyo ilaalinta dhallinyarada “ ayuu yiri wasiir Jaamac.
Wasiirka ayaa meesha ka saaray walaaca laga qabo in xayiraadda barahaan bulshada ay xumeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka is ka leh ee Shiinaha iyo Ruushka.



