Nairobi (Dawan)- Saraakiisha Guddiga Anshaxa iyo la Dagaallanka musuqmaasuqa ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay afar qof oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Dalxiiska, Najib Balala.Balala oo la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa lala xiray xoghayihii hore ee Wasaaradda Dalxiiska, Leah Gwiyo ,Joseph Odero oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda talabixinta arrimaha dhismooyinka ee West Consult Engineers iyo Flora Ngina, Maareeyihii hore ee sanduuqa dalxiiska.
Afarta qof ayaa ku eedeysan xatooyo dhanka qandaraaska ah iyo in si aan habboonayn loo bixiyay 8.5 bilyan oo shilin taas oo la xiriirta dhisidda Machadka lagu barto arrimaha dalxiiska ee Ronald Ngala Utalii College.



