Kampala (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Uganda Sarah Mateke ayaa u geeriyootay wadno xanuun muddo kooban hayay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta
Wasiirada ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Kampala ee caasimadda dalkaas, halkaasi oo lagula cararay subaxnimadii maanta kadib markii laga qabtay wadnaha.
"Waxaan aad uga xumahay inaan ku dhawaaqo geerida wasiiru dowlihii gaashaandhigga sidoo kalena ahayd xildhibaanka Kisoro" ayuu yiri, wasiirka warfaafinta, Chris Baryomunsi.
Mateke ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga bishii April ka dib markii madaxweyne Yoweri Museveni uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, isaga oo kasoo wareejiyay wasaaradda jinsiga. Waxay sidoo kale ahayd xildhibaan.
Madaxweyne ku xigeenka Jessica Alupo ayaa sheegtay inay aad uga naxday geerida Mateke, waxeyna barteeda X kusoo qortay " Waxaa isoo gaartay geerida lama filaanka ah ee Sarah Mateke, waxaan tacsi u dirayaa qoyskeeda, madaxweynaha Uganda, shacabka Kisoro, iyo dhammaan shacabka Uganda,”
Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in wasiiradu qorsheynaysay inay u safrto Kuuriyada Koonfureed gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.
Maxaan ka naqaan Sarah Mateke?
Sarah Mateke Nyirabashitsi waxay ku dhalatay 15 July 1974, deegaanka Chahi, degmada Kisoro ee gobolka Kigezi.





