Muqdisho (Dawan) –Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Qaranka ee Amniga Internet-ka (Amniga Saybarka), kaas oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta difaaca dijitaalka ah, ilaalinta nidaamyada macluumaadka, iyo sugidda amniga qaranka ee ku xiran teknoolojiyadda casriga ah.
Sharcigan ayaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh, kaddib kulan uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana 144 xildhibaan ay u codeeyeen oggolaansho, halka hal mudane oo kaliya uu ka soo horjeestay, iyadoo kulanka ay joogeen 145xildhibaan.
Sharciga Amniga Internet-ka wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta kaabayaasha dijitaalka ah ee dalka, ilaalinta nidaamyada macluumaadka ee muhiimka ah, iyo horumarinta awoodda dowladda ee ka hortagga hanjabaadaha iyo weerarrada internet-ka.
Waxa uu sidoo kale Guddiga Isgaarsiinta Qaranka (NCA) u aqoonsanayaa hay’adda ugu sarreysa ee mas’uulka ka ah maareynta iyo hagidda amniga internet-ka ee heer qaran.
Sharcigu wuxuu dhigaya in la dhiso Guddiga Amniga Internet-ka oo ka kooban sagaal xubnood, iyo Xarunta Ka Jawaabta Dhacdooyinka Internet-ka, si loo helo nidaam isku-dubaridan oo wax looga qabto khataraha dijitaalka ah.





