Moscow (Dawan)- Koox hubeysan ayaa weerar la beegsaday goob ay Yahuuddu ku cibaadeysato iyo laba Kaniisadood oo ku yaal gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.
Warbaahinta Ruushka oo soo xiganaya madaxa gobolka Dagestan ee koonfurta Ruushka ayaa sheegtay in weeraradii ka dhacay gobolkaas lagu dilay in ka badan 15 askari oo ka tirsan laamaha amaanka.
Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan dhimasho soo gaartay dad shacab ah.
Fiidnimadii Axadda, Guddiga La-dagaalanka Argagaxisada ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay howlgal ka dhan ah kooxdii ka dambeysay weerarka, iyada oo la dilay laba ka mid ah kooxdaas.
Mar dambe Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ka takhaluseen afar ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.
Weeraradan ayaa ka dhacay magaalada Makhachkala ee caasimadda gobolka Dagestan iyo magaalada xeebta ku taal ee Derbent ee isla gobolkaas.



