Muqdisho (Dawan) - Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in weerar is-miidaamin ah lagu qaaday afaafka hore ee Dugsiga Milateriga Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho subaxnimadii Arbacada, abaare 11:20 daqiiqo.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaanno lagu sameynayo weerarka ay wadaan hay’adaha ammaanka, isla markaana faahfaahin dheeri ah laga soo saari doono marka xogta rasmiga ah la helo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo warbaahinta afkooda ku sheegtay in ay beegsadeen "wafdi reer galbeed ah oo tababar siinayay ciidamo Soomaaliyeed." Ma jiro illaa hadda xaqiijin madax-bannaan oo caddeynaysa sheegashadaas.
Dugsiga Jaalle Siyaad ayaa ah xarun muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, waxaana weerarka maanta loo arkaa mid muujinaya nuglaanta dhinaca amniga ee xarun si dhow loo ilaaliyo.



