Mandheera (Dawan)- Dagaallamaayaal looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa subaxnimadii Jimcaha weerar ku qaaday Xerada ciidamada falcelinta degdegga ee Quick Response Unit (QRU) ee tulada Alungu ee ku taalla deegaanka Lafey ee Ismamulka Mandheera.
Sida ay Boliiska Kenya sheegeen kooxda weerarka so qaaday ayaa gaaraysay 20 meeyo qof iyaga oo weerarka ku bilaabay qaraxyo waaweyn, Baasuukayaal iyo qoryaha kala ah PKM iyo AK47.Boliiska ayaa intaas ku daray in weerarka laga soo qaaday meel 100km u jirta Saldhigga, iyada oo iska hor imaad socday muddo 15 daqiiqo uu dhax maray Ciidamadii ku sugnaa Saldhigga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Boliisku ma sheegin wax khasaarae nafeed ah oo ka dhashay weerarka
Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli weerar ay soo qadeen habeenimadii Khamiista ururka Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Dhaasheeq ee deegaan Baarlamaaneedka Tarbaj ee Ismaamulka Wajeer, weerarkas oo lagu burburiyay xarun isgaarsiineed oo ay la ahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.



