Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa talaadadii sheegtay in heerarka nafaqo-darro ee dalka Itoobiya ay marayaan meelo halis ah, iyadoo 4.4 milyan oo haween oo uur leh iyo carruur ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar caafimaad iyo nafaqo.
Zlatan Milisic, agaasimaha WFP ee Itoobiya, oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa sheegay in xaaladda nafaqo-darrada carruurta ee gobollada dowlad deegaanka Soomaalida, Oromada, Canfarta, iyo Tigrayga ay dhaaftay heerka degdegga ah ee 15%.
“Ethiopia waxay wajahaysaa musiibooyin is daba-joog ah,” ayuu yiri Milisic. Wuxuuna intaas raaciyay, “Waxyaabaha sida gaarka ah welwelka u abuuraya waa in abaarta, colaadaha, iyo qulqulka qaxootiga ay yihiin khataro soo socda oo si fudud u liqi kara bulshada nugul ee hadda dhibaateysan.”
In ka badan 10 milyan oo qof ayaa la ildaran cunno yari ba’an guud ahaan Itoobiya, iyadoo 3 milyan oo ka mid ah ay ku barakaceen colaadaha iyo isbedelka cimilada, sida uu sheegay Milisic.





