Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Saalim Ibraahim Al-Naqbi, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhi doona Kenya, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.
Danjiruha cusub ayaa farriin uu ka siday madaxweynaha dowladdiisa Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan guuddoonsiiyay Madaxweynaha Kenya, wuxuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.





