Entebbe 22 December 2025 (Dawan)- Magaalada Entebbe ayaa martigelisay shir goboleed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal iyo wakiillo ka kala socday dalalka gobolka, si looga arrinsado sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda sii xoogaysanaysa ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray dagaallada dib uga qarxay qaar ka mid ah gobollada dalkaas, halkaas oo iska horimaadyo u dhexeeya kooxda M23 iyo ciidamada dowladda Congo ay sababeen barakaca boqollaal kun oo shacab ah, isla markaana ay saamayn ku yeesheen xasiloonida gobolka.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wada-hadalladu muujinayaan rabitaan mideysan oo dalalka deriska ah ay ku doonayaan in si wada jir ah loo xalliyo is-maandhaafka, isagoo carrabka ku adkeeyay in waddada kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta ay tahay miiska wadahadalka.







