Mandera (Dawan)- Xildhibaannada laga soo doortay deegannada gobolka waqooyi-bari ee Kenya ayaa cabasho ku saabsan macallin-yarida ka jirta deegaanadaas la wadaagay dowladda dhexe kadib kulan ay la yeesheen Wasiirka Waxbarashada Dr. Belio Kipsang.
Xildhibaanada ayaa si qoto dheer ula hadlay wasiirka, iyagoo kala xaajooday baahida loo qabo iskaashi istiraatijiyadeed oo looga gol leeyahay in lagu taageero waxbarashada dugsiyada gobolkaas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xallin lahaa caqabadaha ka jira dugsiyada, gaar ahaan macallin-yarida, iyadoo xildhibaanada iyo wasiirka ay isla garteen in si wadajir ah wax looga qabto arrintaas. Waxa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay in dowladda ay dammaanad qaaddo jawi ku habboon waxbarashada iyo in la kordhiyo awoodda dugsiyada si ay u gaarsiiyaan waxbarasho tayo leh ardayda, taas oo ay xildhibaanadu sheegeen inay muhiim u tahay horumarka dhaqaale iyo bulsho ee gobolka.
"Waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim ah oo saameeya waxbarashada gobolka oo ay ka mid yihiin barnaamijka quudinta dugsiyada, kaabayaasha dugsiyada dhexe, kulliyadaha tababarka macallimiinta iyo biyaha dugsiyada". Sidaas waxaa yiri Cabdul Haro oo laga soo doortay Koonfurta Mandera.
Kulankana ayaa kusoo aadaya iyadoo Weli gobolka waqooyi-bari ee Kenya ay ka taagantahay macallin-yari baahsan, taas oo xalkeeda looga bixi karo in dadka deegaanka ay bartaan xirfadda macallinimo.
Macallimiinta gobolka ayaa la kulma falal amni darro, waxeyna dhowr jeer dalbadeen in la siiyo hub ay isku difaacaan marka lasoo weeraro, taas oo dhalisay muran badan.




