Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay barnaamijka qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16-ka Sebtembar.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay Ra'iisul Wasaaruhu in Xukuumadda Soomaaliya ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay'adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.





