Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilawga sannadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka Magaalada Muqdisho, kadib guulahi laga gaaray amniga Caasimadda.
Ra''iisul Wasaaraha ayaa yiri, " Waa in la qaado dhagxaantii aan ku heshiinay haddii ay bishaan dhamaato,.. Inta la hubo amnigooda oo la isku halleyn karo dhamaantood waa in laga qaado dhagxaanta, amniga ayay halis ku yihiin, Magaalada ayay fool xuma ku yihiin xitaa anaga ayay caqabad nagu yihiin".

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga Caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan sugidda amniga iyo xasiloonida.
"Dowladnimadeena ma hormari karto, haddii aan amnigeena sugin, Dhaqaalaha ayaan hormari kari, Caafimaad baan hormari karin, Waxbarasho ayaan hormari karin, Difaac ayaan hormari karin, Umadnimadeena iyo midnimadeena ayaan hormari karin haddii aynaan amnigeena ka sahqeynin" ayuu yiri, Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay dhimashada Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah oo shalay lagu dilay Muqdisho, isaga oo faray laamaha amniga in ay gacanta kusoo dhigaan kuwii dilka u geystay Xildhibaanka.
"Ciidamada amnigoow, Ibraahim Deyfullah ninkii dilaa laydinka rabaa. Wuu baxsaday lama aqbali karo. Ilaa aan ka hilmaameyo hebel baa la dilay, kii dilayna waa baxsaday, ilaa qisadaas kasoo dhamaaneynso, amnigeenu gacanta inooguma jiro"





