Qaahira (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay Qaahira ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar, Mustafa Kamaal Madbouly.
Labada dhinac ayaa kawada xaajooday xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana booqashada Xamsa kusoo beegmeysa iyada oo xaaladda gobolka ay cirka isku sii shareertay maalmihii ugu dambeeyay kadib markii Masar ay Muqdisho kasoo dejisay diyaarado miltaeri.
Xamsa ayaa yiri; " Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya waa mid dhinacyo badan leh, mana ahan mid cusub . Sababtoo ah Muqdisho waxay xiriir iskaashi oo taariikhi ah la leedahay Qaahira, Masarna waxay mar walba safka hore kaga jirtaa dalalka na taageera."
Waxa uu intaas raaciyay; " Waxaan ku faaneynaa xiriirkan sharafta leh, waxaana dooneynaa inaan sii xoojinno heerarkiisa kala duwan"

Dhankiisa, Ra'iisul Wasaraha Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in waqtiga soo socda uu faa’iido weyn u leeyahay Soomaalida.
"Xaqiijinta midnimada Soomaaliya iyo taageerada walaalaheen Soomaaliyeed ayaa hadda ka mid ah waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda Masar" sidaas waxaa yiri, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly







