Dhuusamareeb (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas uu kaga qeyb gali doono Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage oo sanadkaan looga hadlayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Xamse ayaa Madasha ku yeelan doona hadal jeedan uu kaga hadlo waxa dowlada Soomaaliya kaga qorsheysan arimahaan looga hadlayo, madashaan looma kala harin oo waxa ay mar qura hal koob kuwada kulmisay mucaaradka iyo xubno ka tirsan dowladda, tan iyo caleema saarkii madaxweyne Dani ee dib u doorashadiisa.
Madashan ayaa ah fursad muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka dalka, iyada oo diiradda la saarayo nabadda, horumarka, iyo midnimada dalka, iyada oo ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.







