Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ka qayb geli doona shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo magaalada Seoul ka dhici doona 4– 5 bishan June.
Magaalada Seoul ayaa martigelin doontaa shirkii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika iyada oo ujeedadu tahay kor u qaadista iskaashiga iyo isdhexgalka qaaradda Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.
Sida uu sheegay Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, shirka waxaa lagu eegi doona sidii labada dhinac ay iskaashi uga yeelan lahaayen dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta ganacsiga, kobcinta dhinacyada farsamada iyo tiknoolijiyadda.



