Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.
“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.





