Seoul (Dawan)- Ra'iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamsa cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka Koonfurta Kuuriya Iyo Wadamada Africa oo maanta ka billaawday caasimadda Seoul.
Xamsa ayaa khudabaddiisa uga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.
"Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa weli la halgamaya kaabayaasha dhaqaalaha, helitaanka tignoolajiyada,iyo horumar waara. Waayo aragnimada Kuuriya iyo awoodeeda tignoolajiyada horumarsan ayaa laga helaya iskaashi qiimo leh oo wax looga qabanayo caqabadahan iyo kobcinta horumarka wadajirka ah" ayuu yiri, Xamasa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, wuxuuna ugu baaqay shirkaaha ganacsiga Koonfurta Kuuriya in ay maalgashadaan Soomaaliya





