Seoul (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.
Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qayb galaysa shir-madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo lagu wado in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Seoul.





