Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in si dhab ah loo billowbay sahankii iyo geeddigii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa gaajada iyo faqriga.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dalka





