3-November 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo fududeeyo qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka, kaddib markii uu kormeeray xarunta NIRA ee degmada Hodan oo maalmahan laga soo sheegayay safaf dhaadheer iyo dhibaato dadka heysata.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah uga hadlay xaaladda haweenka iyo gabdhaha lagu arkay iyadoo habeenkii ay seexdaan meelaha hortooda xarumaha qaadashada kaarka, si ay uga mid noqdaan dadka safka hore.
“Hablaha Soomaaliyeed waa in la daryeelaa. ya lagu qasbin inay habeenkii ay messha seexdaan — waa ceeb, amnigoodana khatar ayey ku tahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Xamse ayaa NIRA ku amray in si cad loo kala saaro dadka cusub ee isdiiwaangelinaya iyo dadka horey u isdiiwaangeliyay ee u yimid inay kaarka qaataan, si aan mar kale loogu celin nidaamkii hore.







