Jigjiga (Dawan ) – Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Talaadadii si rasmi ah looga daahfuray Xarunta Hal-abuurka Dijitaalka ah (Digital Innovation Hub). Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo xirfadaha dhallinyarada, gaar ahaan dhinacyada dijitaalka, helitaanka internet-ka, iyo kobcinta ilaha nolosha ee deegaanka. Mashruucan ayaa sidoo kale diiradda saaraya sidii dhallinyarada, gaar ahaan kuwa qoxootiga ah iyo bulshooyinka martigeliyay, uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha shaqo ee dhaqaalaha casriga ah.
Xarunta Hal-abuurka Dijitaalka ah ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee International Labour Organization (ILO) iyo Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyada Deegaanka, iyadoo maalgelinta mashruuca ay bixisay Dowladda Netherlands.
Ujeedada ugu weyn ee xaruntan waa in dhallinyarada deegaanka la siiyo fursado shaqo iyo tababarro si ay uga qaybqaataan kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah iyo hirgelinta hal-abuurka ganacsi ee cusub.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday dowladda deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah. Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Madaxtooyada Deegaanka, Maxamed Yuusuf Rooble, ayaa sheegay in xaruntani ay wax weyn kusoo kordhin doonto deegaanka, isla markaana ay qayb ka noqon doonto xallinta dhibaatooyinka shaqo la’aanta ee dhallinyarada. Wasiirka Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyada Deegaanka, Mudane Maxamuud Cali, ayaa sidoo kale xusay in xaruntani ay tahay tii ugu horreysay ee noocan ah ee laga hirgaliyo deegaanka.







