Asmara (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga Asmara ayaa dhiggiisa Eretria, Isaias Afwerki kala hadlay sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal oo waayihii ugu dambeeyay ahaa mid si xowli ah ku socda.
Labada Madaxweyne ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacayda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eretria, Yemane G. Meskel.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hormariyo iskaashiga iyo wadashaqaynta ka dhexeysa labada dal iyada oo la bartilmaameedsanayo arrimaha faa’iidada u leh labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee dalka Eritrea ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee ay Eritrea ka geysaneyso dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid muujineysa sida ay Eritrea u garab taagan tahay shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa xusay in Eritrea ay tababartay sidoo kalena ay qalabeysay in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah.







