Soomaaliya, 6 Oktoobar 2025 – Wadahadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa Axaddii ku soo dhammaaday magaalada Kismaayo iyadoo aan la gaarin heshiis rasmi ah, inkasta oo labada dhinac ay ku tilmaameen kulanka mid “horumar leh” isla markaana ay sheegeen in wadahadalladu sii socon doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay Kismaayo, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubaland, kuwaas oo muddo dheer khilaaf ka dhex jiray arrimaha amniga, maamulka, iyo qaybsiga khayraadka.
War-saxaafadeedyo ay soo saareen Villa Soomaaliya iyo Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanku uu ahaa miro dhal ismarkaana isla markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in wada-tashiyada la sii wado.
“Wajigii koowaad ee wadahadalladu waa uu soo dhammaaday iyadoo horumar la sameeyay, waxaana lagu ballamay in la sii wado wada-tashiyada, dibna la isugu soo laabto,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey maamulka Jubaland soo dhaweynta diirran, isla markaana uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi qaran oo ku dhisan danta shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka Jubaland, waxaa la sheegay in maamulkaasi uu ka go’an yahay wadahadal iyo xal nabadeed, iyadoo la xusay in midnimada iyo is-afgaradka ay muhiim u yihiin ajandayaasha waaweyn ee dalka.
“Jubaland waxay markale caddeyneysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wadahadal, loona mideeyo dadaallada qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Kenya doorka ay ka qaadatay fududeynta wadahadallada iyo taageerada ay siiso dadaallada dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
“Jubaland waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Dowladda Kenya kaalinta ay ka qaadeyso isku soo dhoweynta dhinacyada iyo dadaallada nabadda,” ayuu yiri Madoobe.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, xiriir muddooyinkii dambe uu khilaaf ku jiray.
Inkasta oo aan natiijo laga gaarin, haddana labada dhinac ayaa muujiyay dhiirrigelin iyo diyaar garow ay ku doonayaan in lagu gaaro xal waara oo wadahadal ku dhisan.


