Antalya, Turkiga – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, si uu uga qaybgalo meertada afraad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025, taasoo socon doonta inta u dhaxaysa 11–13 Abriil.
Madashan sanadkan waxa ay leedahay hal-ku-dheg ah: “Soo Celinta Diblomaasiyadda Dunida Kala Firdhan.” Waxaa lagu falanqeynayaa doorka muhiimka ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay xasillinta caalamka, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka juqraafiyeed, caddaalad-darrada caalamiga ah, isbeddelka cimilada, iyo caqabadaha tiknoolajiyadeed.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu madasha joogo la yeelan doona kulamo gaar ah madaxda ka socota dalal kala duwan oo ay Soomaaliya xiriir la leedahay. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha.
Madaxweynaha waxaa madasha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.






