Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu markale safar dibadda ah galo todobaadkan kadib booqashadiisi Norway, Switzerland, Turkey iyo Djibouti ee qaadatay 9- ilaa 20 bishan June.
Xasan Sheekh ayaa ka qayb gali doona Shirwaynaha Hoggaanka Bariga Afrika 2024 ee ka dhici doona Minnesota Isniinta soo socota ee ku beegan 24 June, sida uu sheegaay Machadka Minnesota ee Daraasaadka Geeska Afrika.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka Shirwaynaha Hoggaanka Bariga Afrika ee 2024-ka,” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Machadka.
Machadka daraasaadka Geeska Afrika ayaa sheegay in kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee ay sidoo kale khudbad ka jeedin doonto, iyada oo bidhaamin doonta siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika.
Annette Weber oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika ay sidoo kale ka mid ah mas'uuliyiinta ka qayb geleysa shirka.


