Nairobi (Dawan)- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Kenya si uu uga qayb galo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacaya magaalada Nairobi 27 ilaa 31 May.
Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ah ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika, iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan qaar badan oo kamid ah madaxweynayaasha dalalka Afrika iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto oo farrin uga sida Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sida uu TV-ga Dawan ogaaday.


