Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umba baxaya maanta Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo ay isagu imaanayan madaxda wadamada Carabta iyo Islaamka kaas oo looga hadlayo dagaalka ay Israel ka waddao in ka badan hal sano marinka Gaza ee kusii fiday dalka Lubnaan.
Maanta oo Axad ah waxaa Riyaad ka dhacaya kulan heer wasiiro ah oo lagu diyaarinayo qorsahaha iyo go'aamada la filayo in laga soo saaro shirka, berrina waxaa qabsoomi doona shirka madaxeedka inkasta oo dalalka qaarkood ay soo dirsadeen kaliya wasiiro.
Shirka heer wasiir waxaa Soomaaliya ku metelaya, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan safiirada Jaamacadda Carabta iyo ururuka Islaamka.




