Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay yeelan doonto hay'ado iyo mas'uuliyiin cusub oo u qaabilsan habka maamulka hubka iyo rasaasta, isaga oo ugu digay dadka Soomaaliyeed in dunido ka shalleyso go'aanka Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka.
"Ma dooneyno adduunyadu in ay ka qoomameyso oo la yiraahdo, war kuwaan maxaa cunaqabateynta loo qaaday" ayuu yiri, Madaxweyene Xasan oo ka qeyb gelayay maanta munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cunaqabataynta hubka ee saarneed dalka ku dhawaad 32 sano.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dowladdu ka shaqeyneyso sidii dunida loo tusi lahaa in go'aanka cunaqabateynta hubka loo qaaday uu ahaa mid sax ah oo la rabay in xilli hore la qaado.
Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay tillaabo aan hore looga baran inta badan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyaaed taas oo ah inuu bogaadiyay madaxdii kala duwaneed ee kasoo shaqeysay in ugu dambeyn Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo yiri
"Shaqadaan la qabtay, haddii ay tahay ku biirista Suuqa Bulshada Bariga Afrika, haddey tahay cunaqabateynta, Ma ahan shaqo maalin billaabatay oo maalin dhamaaatay. Shaqo soo socotay oo dad kala duwan, xukuumado kala duwan, hoggaamiyayaal iyo madaxweynayaal kala duwan soo qabteen waaye ... Bulakeeti bulakeeti lasoo dul saaray ayaa meeshaan lagu yimid".
Dhanka kale, Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa ku tilmaamtay tillaabada uu qaaday Golaha Ammaanka mid taarrikhi ah oo muujineysa in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhanka maareynta hubka.



