Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay kulan deg deg ah oo ay isagu yimaaden Labada Gole ee Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee dhanka Badda.
Madaxweynaha ayaa farriimo u diray guud ahaan Shacabka Somaaliyeed, gaar ahaana Shacabka iyo Madaxda Somaliland, Itoobiya iyo caalamaka , isaga oo ka digay halista uu heshiiskaan u keeni karo xasiloonida iyo ku wada noolaanshaha Gobolka.



